Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sh. Axmed ayaa shalay booqasho kadis ah ku tagay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana uu kullamo lasoo qaatay qaar ka mid ah waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka degmadaas.
Kulankii shalay oo ka duwanaa kulamadii horey uu ula qaatay Madaxweynaha Dowladda KMG ah Odayaasha dhaqanka ayaa diirada lagu saaray xaalada amniga degmada Afgooye, iyadoo Odayaashii ka qeyb galay kullanka ay afka furteen.
Mid ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ayaa Madaxweyne Shariif ka codsaday inuu ka dulqaado ciidamada Beeshiisa ah oo maalin iyo habeen dilka iyo dhaca joogtada ah ku hayo, waxaana uu sheegay xilligii Al Shabaab ay Afgooye heysan jireen ay iyaguna dhankooda heysteen nabad gelyo.
Odayga ayaa intaa ku daray in hamuun weyn ay u qabeen Dowladda KMG ah balse ay hadda taagan yihiin yaa idinka wado.
Odayaasha Dhaqanka Afgooye ayaa ka wada sinaa hadalka ah in ciidamada Dowladda KMG ah dhib mooyee dheef aysan usoo kordhin, iyagoo Madaxweynaha Dowladda KMG ah ugu baaqay inuu wax ka qabto arrintaas.
Madaxweynaha Dowladda KMG ah ayaa balan qaaday inuu wax weyn ka qaban doono ciidamada dhibaatada ku haya Afgooye, isagoo faray Taliyaha Ciidanka Qaranka in la xiro dhamaan taliyaasha ciidamada Militariga ee ku sugan degmada Afgooye kuwaas oo dhamaantood kasoo jeeda Beesha Madaxweyne Shariif.