Wasaaradda warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta ee xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay dilkii xalay fiidkii loogu geystay Muqdisho Allaha u naxariistee majaajiliistihii caanka ahaa Cabdi Jeylaani Malaaq oo loo yaqaannay Marshaale.
Wasiirka warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta Cabduqaadir Xuseen Maxamed (Jahweyn) oo ka hadlay dilka marxuumka ayaa sheegay in uu ahaa mid si aad ah looga naxo, isagoo xusay in aysan jirin cid dambi uu ka galay.
Jahweyn ayaa xusay in ciidanka ammaanka ay ku raad joogaan sidii loo soo qaban lahaa gacan ku dhiiglayaashii dilka u geystay Allaha u naxariistee majaajiliistihii caanka ahaa ee Soomaaliyeed Marshaale.
Wasiirka ayaa dhinaca kale tacsi u diray dhammaan ehelladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday marxuum Marshaale, isagoo Eebe uga baryay in uu naxariistii Janno ka waraabiyo.