Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa soo dhoweeyay ansixinta dastuurka cusub ee ay Soomaaliya yeelatay.
Mahiga wuxuu ansixinta dastuurka ku tilmaamay munaasabad ahmiyad weyn leh, wuxuuna ku baaqay in la dhaqangeliyo.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa ayuu Mahiga ugu hambalyeeyay ergada dastuurka ansixisay, oo uu sheegay in ay qabteen howl muhiim ah.
Mahiga wuxuu kaloo ammaanay ciidamada ammaanka ee dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo fashiliyay isku day lagu doonayay in lagu carqaladeeyo hannaanka ansixinta dastuurka kaddib markii ciidamada ay toogteen dabley isa soo miidaamisay oo rabtay in ay qaraxyo ka geysato hoolka uu shirka ka socday.
Kaddib toddobo maalmood oo laga doodayay dastuurka, ergada ansixinta dastuurka waxay shalay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen dastuurka, iyadoo 96 boqolkiiba ergadii ka qeyb qaadatay codeynta ay Haa ugu codeeyeen.
Ha yeeshee, ergeyga gaarka ah wuxuu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in la dhammeeyo howlaha harsan ee lagu soo afjarayo marxaladda kala guurka ah ee soo xulidda wakiillada baarlamaanka, doorashada guddoomiyaha baarlamaanka, madaxweynaha iyo dhisidda xukuumad cusub.