Skip Navigation Links
Home
Qur'aan
Warar
Maqaallo
Taariikh
Waxbarasho
Caafimaad
Videos
Annaga
Xiriir
Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland oo lagu dilay Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal
06/08/2012

Magaala madaxda Puntland ee Garoowe waxaa saaka lagu diley xildhibaan ka tirsanaa golaha baarlamaanka, laguna magacaabi jirey Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud (Shaybe).

Xildhibaanka ayaa la toogtey xilli uu kasoo baxayey masjidka (Al-huda), oo ku dhow gurigiisa oo ku yaal xaafadda 1-da August, xiligaas oo ahaa waxyar kadib markii salaadda subax laga soo baxay.

Rag baaskoolado ku hubeysnaa oo aan ilaa hadda haybtooda la aqoonsan ayaa la sheegay in ay falkaas geysteen, iyagoo durbadiina goobta ka baxsaday.

Laamaha amaanka ayaa waxyar kadib goobta soo gaarey, waxayna saameeyeen baaritaan kooban oo lagu raad goobayo dadkii dilka xildhibaanka ka danbeeyey, inkasta oo aysan ku guuleysan in ay cidna falkaas usoo qabtaan.

Saraakiil ka tirsan Booliska oo saxaafada si kooban ula hadlay ayaa sheegay in weli uu baaritaan xoogani socdo, islamarkaana aan laga hordhici karin ilaa iyo inta wax natiijo ah laga gaarayo.

Xildhibaan Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud (Shaybe) oo mudo dheer ku jirey baarlamaanka, kana mid ahaa xubnaha ugu firfircoon, waxaa la filayaa in gelinka danbe ee maanta lagu aaso Garoowe.

Dilalka qorsheysan ayaa ah kuwo aan horay magaalada Garoowe looga baran, wuxuuna dilka xildhibaan Shaybe kusoo beegmayaa bil kadib markii sidan oo kale loo toogtey taliye ku-xigeenkii 2aad ee Booliska Puntland.





www.afgoi.net

Facebook

WAR IYO SAWIRO
Ka qeybqaado codbixinta an ku qiimeyneyno Shaqsiga istaahila inu noqdo Madaxweynaha Somalia.dhiibo codkaaga aan soo bandhignee.
08/09/2012
Babaanbax Lagu Taageraayo Madaxweyne Sheekh Shariif oo ka dhacay Afgooye. Daawo Sawiradda
07/09/2012
Xaflada lagu furayey sanad dugsiyeedka ee Dugsiga Abuubakar Al Sadiiq oo lagu qabtay degmada Afgooye DAAWO SAWIRADA
04/09/2012
VIDEOS
Caleema Saarka Caaqilka Beesha Digil iyo Mirifle ee Somaliland 11/07/2012
Copy Right © 2011 AFGOI.NET. All Rights Reserved.