Xaflada lagu furayey sanad dugsiyeedka ee Dugsiga Abuubakar Al Sadiiq oo lagu qabtay degmada Afgooye 04/09/2012
 Xaflad si heer sare loo soo Agaasimay ayna soo qaban nqaabiyeen maamulka Dugsiga hoose ABUUBAKAR AL-SADIIQ Taas oo ahayd xaflad furitaan sanad dugsiyeedka cusub ee dugsiga ayaa waxaa lagu qabtay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose.
Xafladdan ayaa lagu soo bandhigay waxqabadka dugsiga waxaana kasoo qeybgalay mas’uuliyiin, waalidiin iyo qeebaha kala duwan ee bulshada.
Maamulaha dugsiga Ustaad Nuuradiin ( Al Fariidi ) Oo la hadlayay waalidiinta iyo marti sharafkii ka soo qeybgalay xaflada ayaa si weyn ugu dheeraaday muhimada ay leedahay waxbarashada isagoo tibaaaxay in waalidiiinta ay gacan ka siiyaan barbaarinta iyo kobcinta garaadka ardada.
Si kastoo ahaataba xafladaan ayaa aheyd mid si weyn looga dareemay gudaha degmada Afgooye iyadoo laga dheehan karay wajiyada ka soo qeybgalayaasha farxad waxayna kusoo gabagabooday jawi aad u wanaagsan.





| | www.afgoi.net |
Facebook
|
|
|
WAR IYO SAWIRO |
|
|
|
|
|
VIDEOS |
| Caleema Saarka Caaqilka Beesha Digil iyo Mirifle ee Somaliland 11/07/2012 |
|
|
|
|