




Banaanbax ay soo qaban qaabiyeen SOS Rasisme oo ah urur ka soo horjeeda midib kalasooca ama cunsuriyada ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Trondheim shalay galab taariikhdu markay ahayd 06.09.12. Waxaa halkaasi isugu soo baxay dad aad u farabadan oo iskugu jiray ajaanib iyo Norwegian. Waxaa loo banaan baxay dilkii loogeeystay Obiora oo ahaay nin Nigerian ah oo ay Poliska Trondheim ceeji ku dileen 7. September 2006 oo ku aadan sanadguuradii ka soo wareegtay xiligii uu dhintay.
Waxaa halkaas kahadlay siyaasiyiin iyo dad shacab ah, waxaana ka xusi karnaa dadkii halkaas ka hadlay Kenneth Fuglemsmo oo ah nin madax ka ah urruka SOS Rasisme.
Xildhibaan Ismaaciil Maxamed Muxudiin iyo xildhibaan Norwegi ah oo la yiraah Jan Bojer Vindheim. Xildhibaan Ismaaciil Maxamed Muxudiin ayaa ka hadlay cunsuriyada dhibka eey leedahay iyo sidii looga hor tegi lahaay,wuxuuna sheegay xildhibaanka in Poliiska uu yahay hayada xalin laheeyd qilaafaadka u dhaxeeya bulshada,laakiin in ay tahay nasiib daro in Poliska lagu eedeeyo cunsurinimo ay u geeystaan dadka ajaanibka ah. Markii qudbadihii ay dhamaadeen ayaa waxaa socod laga bilaabay bartamaha magaalada,meesha uuka dhacayey banaan baxa ilaa iyo saldhiga Poliska,halkaasoo la dhigay ubax oo muujinaysida ay uga xun yihiin dilkii loogeeystay Obiora.