Babaanbax Lagu Taageraayo Madaxweyne Sheekh Shariif oo ka dhacay Afgooye. 07/09/2012
 Waxaa Maanta Degmada Afgooye ee Gobolka SH/Hoose lagu qabtay dibad bax balaaran oo lagu taageerayo in Madaxweyne Sheekh Shariif mar kale loo doorto Hogaanka Dalka Soomaaliya.
Dibad baxayaasha oo ka koobnaa Bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa socod dheer ku maray xaafadaha kala ah Ceelqode,Baalgure,Siigaale Dhagaxtuur Iyo Xaawo Taako ee Degmada Afgooye iyaga oo wata boorar ay ku sawirnaayeen sawirada madxweynaha Soomaaliya.
Shacabka Reer Afgooye ayaa sidoo kale ku dhawaaqayay halku dhigyo ay ku taageerayeen in Sheekh Shariif mar kale Madaxweyne laga dhigo ,waxaana kamid ahaa eraya ay ku dahawaqayeen Soo noqo Sheekh Shariif mar kale ,Hogaamiye daacad ah oo lawada wajeclyahay ,Guuleeso Sheekh sahriif iyo Ereyo kale.
Dibad baxan lagu taageerayo Sheekh Shariif ayaa imaanaya xili sadax maalin kaliya harsan tahay Dooarshada Madxaweynaha Soomaaliya iyadoona dadka ugu horeeyo oo loo saadaalinyo in uu ku geeleestana uu Sheekh Shariif ugu horeeyo.






| | www.afgoi.net |
Facebook
|
|
|
WAR IYO SAWIRO |
|
|
|
|
|
VIDEOS |
| Caleema Saarka Caaqilka Beesha Digil iyo Mirifle ee Somaliland 11/07/2012 |
|
|
|
|