Ururka Afgoi Youth Unit oo ka dhisan dalka Suudaan ayaa wuxuu tahniyad sharaf leh u dirayaa Gudoomiyaha Ururka Mudane Maxamed Qaasim Awow ahna Gudoomiyaha Ardayda Koonfur galbeed Soomaaliaya ee Wadanka Sudaan.
Ururku wuxuu uga tahniyadeynayaa gudoomiyaha qalin jabintii uu ka qalin jabiyay Jaamacada. Waxaana leenahay alfa alfa mabruuk kii Diintiisa Wadankiisa , iyo Dadkiisa wax ugu qabto aqoonta uu kurursaday ilaah hakaa dhigo.
Mudane Maxamed Qaasim Awow ayaa ka qalin jabiyay International University Of Africa, Kuliyadeeda Seyniska qeybta Kimistariga.
Xaflad lagu maamuusayay Ardayda sanadkan qalin jabisay ayaa lagu qabtay Naadi lagu magacaabo ( Naadii AL- Dubaadh) oo ku yaala Magaalada Khartuum ee Dalka Suudaan ayadoo xalkaas Aradaya lagu gudoonsiinaayay Shahaado Sharaf, iyadoo ardayda Shahaadada la gudoonsiinaayaya uu ka mid ahaa gudoomiyaha Uruka Afgoi Youth Unit oo asiga xafladaasi ka qeybgalay, hadaba daawo sawirada xaflada iyo si ay u dhacday.









