Skip Navigation Links
Home
Qur'aan
Warar
Maqaallo
Taariikh
Waxbarasho
Caafimaad
Videos
Annaga
Xiriir
Sooyaalka Saldanadda Geledi Qeybtii 12 aad. Naasir Maxamed Muuse
20/09/2011

XILLIGII DAHABIGA EE GELEDI Q 3 AAD

SULDANADDII SULDAAN YUUSUF MAXAMUUD

Dagaalkii Soo Rogaal Celiska ahaa ee Jameecada Baardheere.

Markii Jameecada Baardheere lagu jabiyey dagaalkii Shakaale oo ay la galeen Saldanaddii Geledi ayaa waxaa kala firxaday ciidankii uu watay Ina Sh. Ibraahim midba meel u cararay.

Sh. Ibraahim oo ahaa nin isku kalsoon ayaan is dhiibin, isagoo ciidamadiisa isugu keenay  xaruntiisa magaalada Baardheere, wuxuuna sameeyey abaabul cusub iyo diyaar garow.

Sh. Ibraahim iyo ciidankiisa ayaa duulaan ku qaaday Qabiilada Tunni, Jiido iyo Begedi si uu u ciqaabo maadaama ay raaceen xukunkii Saldanadda Geledi, wuxuuna ku guuleystay inuu dagaallo kedis ah ku qaado qabiilooyinkaas, wuxuuna isugu daray dil, dhac iyo inuu ka gubo aqaladii ay degenaayeen.

Suldaan Yuusuf Maxamuud ayaa maqlay arrintii, waxaana walaac geliyey dagaalkan aan dhammaaneynin, wuxuuna Sh. Ibraahim u arkay inuu khatar ku yahay Saldanaddiisa iyo dadka raacsanba. Waxaana u muuqatay in loo baahan yahay in laga takhaluso awooda Jameecada Baardheere xag siyaasadeed, xag dagaal iyo xaga niyada dadka isaga raacsan.

Waxaa kaloo laga marmaan noqotay in ciidamo joogta ah laga helo Jiidaha iyo Tunnida kuwaas oo inta badan dhibaatooyin kasoo gaareysay weerarka bareerka ah oo ay ku hayeen ciidamada Sheekha Baardheere.

Suldaan Yuusuf oo ahaa geesiga xilligaa calanka u babanayey ayaa go’aansaday inuu weerar culus ku qaado Jameecada Baardheere, isagoo rabay inuu soo afjaro sheekada daba dheeraatay ee Sheekha Baardheere.

Sudlaan Yuusuf oo heystay ciidamo tiro badan ayaa diyaariyey ciidamo gaaraya 20,000 iyo in ka badan kuwaas oo isugu jiray Qabiilooyinka Wacdaan, Daafeed, Jiiddo, Tunni, Begedi iyo Garraha qaarkiisa, wuxuuna u diyaar garoobay dagaal kama dambeys ah.

Geesiga Qarnigaas Suldaan Yuusuf oo ay la socdaan ciidankiisa ayaa ka ambabaxay xaruntiisa magaalada Afgooye, iyagoo afka saaray xarunta Jameecada Baardheere ee magaalada Baardheere.

Sh. Ibraahim oo ahaa hogaamiyihii Jameecada Baardheere ayaa ka war helay duulaanka Saldanadda Geledi, wuxuuna u diyaar garoobay siduu isaga difaaci lahaa.

Suldaan Yuusuf iyo ciidankiisa markii ay soo gaareen Qalcada magaalada Baardheere waxay kala kulmeen iska caabin aad u xoogan, iyadoo halkaasi uu ka dhacay dagaal aan waxba la iskula harin.

Dagaalka wuxuu socdaba, Suldaan Yuusuf iyo ciidankiisa waxaa u suurta gashay in ka guuleystaan ciidankii Jameecada Baardheere, iyadoo Sheekhii Baardheere Sh. Ibraahim halkaasi lagu dilay.

Ciidanka Saldanadda Geledi ayaa la wareegay gacan ku heynta magaalada Baardheere, iyagoo halkaasi kasoo qaatay wixii hub iyo xoolo ay lahaayeen Jameecada Baardheere, ugu dambeyntiina dab qabad siyey magaalada oo dhan saasna ay ku gubatay.

Qorayaasha qaar ayaa tilmaamaya in magaalada Baardheere markii Saldanadda Geledi ay gubtay ka dib aan la degin muddo ku dhow 20 sano.
Qabiilooyinka degenaa inta u dhexeysa labada webi oo uu wadna qabad ku ahaa Sheekhii Baardheere ayaa waxaa ka baxay cabsidii ay ka qabeen Sheekha, iyagoo aad uga farxay jabkii loo geystay Jameecada Baardheere.

Suldaan Yuusuf  iyo ciidamadiisa waxay kusoo laabteen xaruntii Saldanadda Geledi ee Afgooye, waxaan jiray intii wadada ay soo socdeen dagaalo yar yar oo dhex maray iyaga iyo koox wareemato ah oo Garre iyo Biyamaal isugu jira oo raacsanaa Sheekhii Baardheere, waxaana ay doonayeen in ay u aar gudaan Sheekhooda.

Garraha iyo Biyamaalka markii ay arkeen fara badnaanta ciidamada Saldanaddii Geledi ee uu hogaaminayey Suldaan Yuusuf ayey joojiyeen dagaalkii ku dhufo ka cararka ahaa, waxayna dib ugu noqdeen deegaanadooda iyagoo cabsi ka qaba inuu Suldaanka dagaal kusoo qaado.

Suldaan Yuusuf Maxamuud ayaa soo galay Afgooye isagoo soo guuleystay, iyadoo dadkii ku noolaa Afgooye ay u dhigeen dabaal deg aad u weyn. Waqtigaas wuxuu ahaa kii ugu fiicnaa abid soo mara Saldanadda Geledi, waxaana muddo yar gudaheeda Saldanadda xukunkeeda la gaarsiyey deegaanada ku yaala labada webi.

Hase yeeshee Biyamaalka oo kaliya ayaa haystay madax banaani mana ka mid aheen Isbaheysiga Saldanadda, inkastoo Suldaan Yuusuf Maxamuud uu isku dayey in Biyamaalka si nabad geliyo ay u ogolaadaan xukunkiisa.

Biyamaalku markii ay qiyaaseen awooda ciidanka Saldanadda Geledi si cadaan ah uma diidin talada uu u soo jeediyey Suldaan Yuusuf, hase ahaatee waxay si degenaan ku jirto u dheereeyeen wada hadaladii arrinta lagu dhameyn lahaa.

Dagaalkii Baardheere ka dib, Suldaan Yuusuf wuxuu hantay awoodii siyaasadeed iyo tii dhaqaale ee geyigaas, isagoo xukunkiisa ku baahiyey dhulka gudaha Banaadir oo dhan iyo inta u dhexeysa labada Webi.

In ka badan 12 qabiil oo degenaaa inta u dhexeysa labada Webi oo raacsanaa Saldanadda Geledi ayaa gacan weyn ka geystay jebintii ciidamada Baardheere, iyadoo Saldanadda Geledi ay u aheed hormuud.

Qeybta Afaraad Xilligii Dahabiga ee Geledi kala soco AFGOI.NET Insha Allah.

Naasir Maxamed Muuse

naasirsom@gmail.com




www.afgoi.net

Facebook

WAR IYO SAWIRO
Ka qeybqaado codbixinta an ku qiimeyneyno Shaqsiga istaahila inu noqdo Madaxweynaha Somalia.dhiibo codkaaga aan soo bandhignee.
08/09/2012
Babaanbax Lagu Taageraayo Madaxweyne Sheekh Shariif oo ka dhacay Afgooye. Daawo Sawiradda
07/09/2012
Xaflada lagu furayey sanad dugsiyeedka ee Dugsiga Abuubakar Al Sadiiq oo lagu qabtay degmada Afgooye DAAWO SAWIRADA
04/09/2012
VIDEOS
Caleema Saarka Caaqilka Beesha Digil iyo Mirifle ee Somaliland 11/07/2012
Copy Right © 2011 AFGOI.NET. All Rights Reserved.