Skip Navigation Links
Home
Qur'aan
Warar
Maqaallo
Taariikh
Waxbarasho
Caafimaad
Videos
Annaga
Xiriir
KALI TALIYAASHA KALA NASIIB ROON. Axmed Yuusuf Cali “Idaajaa”
13/11/2011

Dunidaan guud ahaan waxaa soo maray madax markastaa lagu xasuusto falal tacadiyo ah oo ay kula kacaan shcuubtii ay madaxda u ahaayeen, kuwaasoo ku reebay xusuus murugo leh oo ka mid noqota taariikhda shacabkooda.

Dalalka ay ka taliyaan kali-taliyaasha waxaa ku dhaca dib u dhac dhaqaale waxaana badanaa loo diiwaan galiyaa ku tacdiga xuquuqul insaanka iyo xuquuqda asaasiga ah ee qofka muwaadinka ah, waxaana dadka loo taxaabaa xabsiyo ayagoo lagu eedeynayo inay ka horyimaadaan rabitaanka kaligii taliyaha.

Badanaa shcuubta wey ka gilgishaan xukuumadaha ay madaxda ka yihiin kaligii taliyayaasha.

Waxaana mararka qaar dhacda in shucuubta iyo kuwa xulufada la ah kali taliyayaasha ay gacanta isla galaan tasoo keenta in dhiig badani uu daato sida kacdoonkii xagaaygan ka dhacay dalalka carabta sida Tuniisiya, Liibiya, iyo Masar taasoo ka timid madax adeega siyaasadeed ee kali taliyayaasha iyo Rajo beelka ku dhacay shacabka ee dhicana hormarka,dhaqaalaha, xad gudubka xuquuqda aadanaha, xariga iyo dilka oo ay wehliyaan shaqo la’aan, musuqmaasuq iyo saboolnimo baahsan ayaa waxay ku salduleeyeen shacabka dalalka inay naftooda u huraan isbedalka iyo kacdoonka ismarkaana dhiigooda u daadiyaan si ay xukunka ugu tuuraan kali taliyayaasha casrigan ugu cimri dheeraa ee dalaalka carbeed.

Hadaba waxaa  kala duwan halka uu mid kastaa ku danbeeyo marka ay shucuubtooda ka adkaadaan islamarkaana xukunka ka ridaan waxaana tusaale u soo qaadan karnaa kali taiyayaashii caalamka ugu weynaa sida Joseph Istalin kii Raashka iyo Marshal Tito kii Yogoslavia labadaa nin waa kuwa ku sifeysnaa kali talinimo waxaana ilaa iyo hadda shucuubtoodii qaar ay la dhacsan yihiin isla markaana loo arkaa geesiyaal dadkoodii iyo dalkoodii wax u qabtay xiligii shuuciyda sida Marshal Tito hadaiin aan soo qaadano waxay geeridiisii keentay in dal weynihii Yogoslavia uu burburo kadibna uu kal gogo’o sida Serbiya, Kosovo, iyo Bosniya dadka taageerna ay ku amaanaan  in uu ahaa nin dalka isku haayay balse boga taariikhda loogu qoray in uu ahaa ruux ku sifooway kali taliyayaasha waxayse wali  dadkiisa yihiin kuwa xasuusta.

Halka dadka raashka ay qabaan in burburkii midowgii sofiyed ay sabab u eheyd kaleexashadii laga leexday fekerkii Joseph Istalin labadaan nin ee marshal iyo Joseph waa kuwa aad loogu xusuusto dalalkoodii.

Hadii aan soo qaadano Qaarada Afrika waxaa lagu xusi karaa Iidi Amiin  kii ugandha, Mabuto Sese Seko kii Kongo, Chem bedel Bukase ee bartamaha Afrika ayaa ka badbaaday in lagu soo taago maxkamad caalami ah dunuubtii ay ka galeen dadkooda iyo dalkooduba tusaale Iido Amin kii ugandha ayaa waxa uu si nabad ah ugu geeriyooday dalka Sacuudiga uu magal galyo ku joogay sidoo kale Zeynul Caabidin kii Tuniisiya ayaa isla hada magangalyo ku joogo isla dalka Sacuudi Carabiya halka Qadaafi kii Liibiyana ay dalkiisa ku dileen, ayadoona kii Masar ee Xusni Mubaarak lagu maxkamadeynayo dalkiisa halka laga rabay in lasoo taago maxkamad caalami ah.

Sidoo kale Charles Taylor kii Laabeeriya uu maxkamad suge ku yahay maxkamada ICC asigoo lagu eedeeyay inuu gabood falo ka geystay dalkiisa.

Kali taliyayaasha ugu caansanaa ee soo mara Afrika waxaa ka mid aha Maxamed Siyaad Barre ee madaxda  ka ahaa dalka Soomaaliaya kasoo xukunkiisa lagu riday kacdoon shacbi bilowgii 90shamaadkii ayaa waxaa uu ku geeriyooday dalka Nigeria waxaan meykiisii loo soo duuliyay Soomaaliaya  waxaana lagu aasay gobolkii uu ku dhashay Gedo ee Soomaaliya.

Sidoo kale hadiin aan xuso kali taliyihii boqorkii u dhashay dalka Iiraan Shaah Raza Bahlaawi ee ay shacabkiisii ku rideen waxayna kacdoon waxa uuna ku geeriyooday dalka Iiraan ee xiligaa jirtana ay diiday in meydkiisa lagu aaso dalka iiraan.

Hadaba kali taliyayaasha miyaa ah kuwa kala nasiib roon? Mise beesha caalamka ayaan xil iska saarin in laga abaal mariyo tacdiyadii ay gesteen kali taliyayaasha .

Kali taliye kastana waxa uu mudan yahay in laga abaal mariyo fulinta arintaasna waxay mas’uul ka saaran tahay shacabkii uu xukumayay iyo beesha caalamka sidii aysan  u dhicin tii  ka dhacday Liibiya ayagoo ay awoodeen inay qabtaan Qadafi ayay toogteen shacabkii sameeyay kacdoonkii ka dhacay Liibiya taasina waxay muujinaysaa masuuliyad daro iyo beylahanaan dhanka beesha caalamka.

Inkastoo ay wali dunida ka jiraan xukuumado kali taliyaal ah ayaan hadana caalamka waxa u soo dhaweeyay islamarkaana taageeray isbadaladii ka curtay xagaaygaan B/dhaxe iyo Galbeedka Afrika tiiyoo ay tahay ayaan la hubin aayaha dalalka isbedelka ka dhacay taana waxaa sabab u ah Dowladaha caalamka oo aan isla meel dhigin siyaasad mideysan oo ku waajahan isbedalka shacabka iyo waxa laga yeelayo danbiyada la kala galay waxaa hubaal ah isbedelada hadii aan loo hogaamin waxaa loo sameyay ama dunida aan laga so saarin qaraar caalami ah oo ku saabsan sida loo wajahayo isbedelka dhinaca taageerida ay arinta noqon karto kadaroo dibi dhal.

Axmed Yuusuf Cali “Idaajaa”

Axmedafgoi@hotmail.com




www.afgoi.net

Facebook

WAR IYO SAWIRO
Ka qeybqaado codbixinta an ku qiimeyneyno Shaqsiga istaahila inu noqdo Madaxweynaha Somalia.dhiibo codkaaga aan soo bandhignee.
08/09/2012
Babaanbax Lagu Taageraayo Madaxweyne Sheekh Shariif oo ka dhacay Afgooye. Daawo Sawiradda
07/09/2012
Xaflada lagu furayey sanad dugsiyeedka ee Dugsiga Abuubakar Al Sadiiq oo lagu qabtay degmada Afgooye DAAWO SAWIRADA
04/09/2012
VIDEOS
Caleema Saarka Caaqilka Beesha Digil iyo Mirifle ee Somaliland 11/07/2012
Copy Right © 2011 AFGOI.NET. All Rights Reserved.