SULDANADDII SULDAAN YUUSUF AXMED YUUSUF.
Suldaan Yuusuf Axmed Yuusuf oo ku magac dheeraa “Aw-Ilkoole” wuxuu xilka la wareegay ka dib markii dagaalkii Cagaaran lagu dilay Aabihiis iyo Adeerkiis oo majaraha u ahayey xukunka Saldanadda Geledi.
Suldaan Yuusuf Axmed Yuusuf wuxuu kusoo aaday xilli aad u adag oo aan shaki ku jirin in isbaheysigii Saldanadda Geledi uu burburay inkastoo muddo lagu qiyaasay labo qarni ay ahaayeen awooda siyaasadeed ee ugu lexaadka weyneed gudaha iyo koonfurta Soomaaliya ay aheyd Saldaanadii Galediga, saldhigeeduna uu ahaa Afgooye.
Saldanadda Geledi intii lagu guda jiray labada qarni waxay gacanta ku heysay dhaqaalaha dalka, iyadoo maamuleysay wadooyinka ganacsiga ee isaga gooshi jiray magaalooyinka xeebaha iyo degmooyinka gudaha dalka, taas oo Galediga u suuragelisay in uu uruursado canshuur farabadan, halkaas waxaa ka cad in qarnigii 19aad horaantisii iyo bartaamihiisiiba, Saldanaddii Afgooye ay faraha u hayn jirtay gebi ahaan awooda siyaasadeed iyo tan ganacsiga ee geyigaas.
Isbaheysiga Saldanadda Geledi waxyaabaha ka qeyb qaatay burburkeeda waxaa ka mid ahaa:
1-Dilkii loo geystay Suldaan Axmed Yuusuf iyo walaalkiis Suldaan Abuukar.
2- Dadkii ku noolaa inta u dhexeysa labada webi oo ay baaba’day cabsidii ay ka qabeen Jameecada Baardheere.
3-Saldanaddii ka dambeysay Suldaan Axmed Yuusuf oo aan lasoo bixin kartidii iyo howl karnimadii lagu yaqaanay Saldanadihii ka horeysay.
4-Hoos u dhicii ku yimid dhaqaalaha Saldanadda Geledi ka dib markii uu burburay Isbaheysiga, awooda Saldanaddana ay kusoo koobantay Afgooye iyo deegaanada u dhow dhow.
Suldaan Yuusuf Axmed ayaa xilka Saldanadda hayey muddo kooban, intuu xilka hayeyna ma dhicin dhacdooyin fara badan maadaama Saldanadda ay lasoo darseen dhibaatooyin aad u fara badan.
Xilligii xilka Saldandda uu hayey Suldaan Yuusuf ayaa waxa uu dagaal la galay Hintiraha balse ma aheyn dagaal aad u weyn iyadoo dagaalada noocaasi ahina ay dhici jireen xilligii uu xilka hayey.
Odayaasha Geledi iyo Qorayaasha ayaa tilmaamay in Suldaan Yuusuf uusan u firfircooneyn sidii aabhiisa iyo awoowayaashiisa oo kale, inkastoo uu ahaa nin degan oo ku dedaala maslaxadda dadkiisa.
Muddo kooban ka dib ayaa waxaa tii Rabi u timid Suldaan Yuusuf Axmed Yuusuf, mana jirin qof uu u dardaarmay inuu xilka qabto ka dib geeridiisa, waxaana ay taas sababtay in geyiga in muddo ahba uu ahaado Suldaan la’aan.
Odayaasha dhaqanka kuwooda loo yaqaanay Ulhayayaasha oo ahaa la taliyayaasha Suldaanka ayaa xilka sii hayey intii geyiga uu ahaa Suldaan la’aan, waxaana lagu wada noolaa nabad, wax dhibaato ahna ma jirin taas oo meesha ka saartay baahida Suldaanka.
Arrinta iyadoo sidaas ay tahay waxa Afgooye oo aheyd xaruntii Saldanadda Geledi yimid shirkad Talyaani ah oo dooneysay in ay soo degto Afgooye, waxaana ay odayaashii xilka hayey ka codsatay shirkadda in ay u ogolaadaan in ay soo degto Afgooye balse odayaashii ayaa ku xiray shirkada shardi oo ahaa in ay sugto ilaa ay Suldaan ka dooranyaan ka dibna Suldaankaas uu siin doono go’aanka kama dambeysta ah.
Akhyaartii Ulhayayaasha ayaa go’aansaday in ay Suldaan doortaan maadaama dalka uu geli rabay marxalad cusub, waxaana ay ku heshiiyeen in xilka Saldanadda Geledi loo dhiibo Cismaan Axmed Yuusuf oo uu dhalay geesigii lagu dilay Cagaaran Suldaan Axmed Yuusuf.
Naasir Maxamed Muuse
naasirsom@gmail.com